Taliyihii Hey’ada Nabad Sugida KMG Oo Xilkiisa Si Kumeylgaar Ah Loogu Dhiibay

0
01 January, 1970 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 870
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyihii Hey’ada Nabad Sugida KMG Oo Xilkiisa Si Kumeylgaar Ah Loogu Dhiibay

    Taliyihii hey’ada Nabad Sugida Ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya Maxamed sheekh Xasan Xaamud ayaa xilkiisa si kumeel gaar ugu wareejiyay taliye ku xigeenka hey’adaasi Nuur Maxamed Shirboow ka dib munaasabad ay ka qeybgaleen Saraakiil iyo x

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyihii hey’ada Nabad Sugida Ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya Maxamed sheekh Xasan Xaamud ayaa xilkiisa si kumeel gaar ugu wareejiyay taliye ku xigeenka hey’adaasi Nuur Maxamed Shirboow ka dib munaasabad ay ka qeybgaleen Saraakiil iyo xildhibaano ka tirsan dowalada oo maanta ka dhacday xarunta Nabad sugida ee magaalada muqdisho.

Taliyihii hore ee Ciidamada Nabad sugida Dowlada Maxamed sheikh Xasan oo halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in xilkaasi uu soo hayay mudo 2-sano ah waxaana uu tibaaxay in intii uu yaha xilkaasi hay’ada Nabad sugida oo uu sheegay in ay u xilsaarantahay fashalinta sirta waxa uu ugu yeeray cadowga iyo ilaalinta mida Dowlada ay ku guuleysatay in ay xaqiijiso amaanka degmooyinka ay dowlada kaga sugan tahay ee muqdisho isagoo ku baaqay in lala shaqeeyo hay’ada.

Sidoo kale Taliye ku xigeenka Ciidamada Nabad sugida Dowlada KMG Nuur Maxamed Shirboow oo si KMG ah Taliyanimo loogu wareejiyay inta laga soo magacaabayo taliye cusub ayaa waxaa uu halkaa ku balan qaaday in meesha ay joogta howsha hay’ada Nabad sugida uu ka sii ambaqaadi doono,waxaana uu intaa ku daray in sida xilkaasi loogu wareejiyay si lamid ah uu ugu wareejin doono taliyihii la soo magacaabo.

7-dii bishaan ayay aheyd markii wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha lagu shaaciyay in xilalkii laga qaaday Taliyayaasha Ciidamada Dowlada oo kala ah.

Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed S/GUUTO Axmed Jimcaale Geedi.

Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida Qaranka Soomaliyeed S/GUUTO Maxamed Sheekh Xassan Xaamud.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed S/GUUTO Cabdullahi Macallin Cali.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed S/GUUTO Cali Maxamed Xassan Looyaan

FG: hadaba si aad ugu qeyb qaadatid dhismaha masjidka weyn ee Baydhabo waxaad ugu hagaajin kartaa wixii qarashaad ah.


Dahabshiil = D0009350.
Bakaal = BAI003.
Amal = 0508-04-45721-1001.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco baidoanews.com Isha koowaad ee wararka dhabta ah Ka soo dhiibo wixii fikirkaaga ama macluumaad aad heyso webmaster@baidoanews.com.
Baidoa Information Center.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip