Mudug Oo Shabaab Kaalmo Gaarsiisey

0
01 January, 1970 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 889
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudug Oo Shabaab Kaalmo Gaarsiisey

    Mujaahidiinta Soomaaliya ayaa gacantooda gurmadka Islaamnimo gaarsiiyay gobolka Mudug oo weligiis aysan ka dhismin maamulo islaami ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mujaahidiinta Soomaaliya ayaa gacantooda gurmadka Islaamnimo gaarsiiyay gobolka Mudug oo weligiis aysan ka dhismin maamulo islaami ah. Guddiga gurmadka abaaraha Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa gargaar ka qeybiyay tuulooyin 50 KM ujira degmada Xarardheere ee gobolka Mudug halkaasi oo ay kajiraan abaaro saameeyay dadka iyo duunyada.

Gurmadkan oo isugu jiray raashin,biyo iyo lacago shilin Soomaali ah ayay ku diirsadeen qoysas reer Miyi ah oo ku xoola beelay abaarta raagta ee Soomaaliya iyo wadamada geeska Afrika kajirta.



Qaar katirsan dadkii gurmadka loo qeybiyay ayaa Shabaabul Mujaahidiin uga mahad celiyay dadaalkooda ay shacabka wax ugu qabanayaan, gobolka Mudug waxaa kajira 3 maamul oo kala hoos taga Gal Mudug, Puntland iyo Mujaahidiinta welina ma dhicin maamul u gurmada shacabka dhibaateysan marka laga reebo maamulka Mujaahidiinta ee kataliya degmooyinka Xarardhere iyo Jowlo.

Dhinaca kale guddiga gurmadka abaaraha ayaa maanta lacago iyo raashin ka qeybiyay deegaano hoos yimaad deegaanka Halgan, mas'uuliyiin katirsan wilaayada Hiiraan ayaa si sharaf leh shacabka ugu qeybiyay raashinka loogu talagalay.

FG: hadaba si aad ugu qeyb qaadatid dhismaha masjidka weyn ee Baydhabo waxaad ugu hagaajin kartaa wixii qarashaad ah.
Dahabshiil = D0009350.
Bakaal = BAI003.
Amal = 0508-04-45721-1001.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco baidoanews.com Isha koowaad ee wararka dhabta ah Ka soo dhiibo wixii fikirkaaga ama macluumaad aad heysowebmaster@baidoanews.com.
BaidoaInformationCenter



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip