Ku tageer qofkada tubta uu kuwacanyahay misa u ku haminayo.

0
01 January, 1970 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 690
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku tageer qofkada tubta uu kuwacanyahay misa u ku haminayo.

    Marka koowad waxaan salaamaya warbahinta sharafta leh Qasataan mamulka iyo Hoolwadeenada wabsidka aan ku tiilmamikaro wabkii umada digilmirifle Baidoanews marka laawadna waxaaan salaamaya madaxada iyo aqoonyahanada iyo waxagaradka dhalanyarada iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka koowad waxaan salaamaya warbahinta sharafta leh Qasataan mamulka iyo Hoolwadeenada wabsidka aan ku tiilmamikaro wabkii umada digilmirifle Baidoanews marka laawadna waxaaan salaamaya madaxada iyo aqoonyahanada iyo waxagaradka dhalanyarada iyo ugaasyada beelweynta digilmirifle meel kasto ay duunida kajoogaan. Hadaan Dib u soo qaato qalinka oo aan iftimiyo maqaalkaan iyo ujeedada ,waa maqaal wacyigalin oo sida uu tix raacayo maagaca hore ee ah Ku tageer qofkada tubta uu kuwacan yahay mise uu ku haminayo , hadaan tusaale gaaban ka bixiyo wadamada shegta inay yihiin dunida koowaad iyo wax yaabaha hormar kugaareen waxa kamid aha is adeecid iyo kala dambayn marka anigoo ka soo qaadanaya waxayabaha wanaagsan ee ay sameeyaan waxaa kamid ah Waqtiga oo laga fii’iidaysto.

Waqtiga waa hantida ay dadku haystaan, waa nolosha dadka umadana waa ay wada haystaan lakin umadii si wanaagsan uga fii’iidaysata way horumaraan umadii iska daayacdana wax qiimo ah dunida korkeeda kuma yeelato.


waxaan tusaale usoo qaadanaynaa Dadyowga Reer JAPAN, wixii ka horeeyey dagaalkii labaad ee aduunyada waxay ahayd dowlada aan horumarsanayn oo iska liidata lakin wixii ka dambeeyey dagaalkii labaad ee aduunyada waxay go’aansadeen inay ku biiraan dunida horumartay waxayna ka fii’iidaysteen waqtigodii ma arkaysid qof meel iska fadhiya ama aan shaqo haynin waxay rabto ha ahaatee.

Lakin dhanka kale markaan aragno wadankeena waxaad arkaysaa dadka badankooda inuu san waqtigu u qiimaysnayn oo Ay Isku Madadaaliyaan Qaad cunid iyo inay darbi ka sheekaysi ku dhamayaan.

Taasiina waxay keentay inaan umadaha aduunka ugu hoosayno marka hadaan rabno inaan ku biirno dunida waa inaan howl la imaanaa oo aan hadalka yaraynaa.

Iska ilaali inaad UJEEDO la’aan noqoto waa inay jiraan ujeedooyin aad rabto inaad gaarto waqtiga fog iyo midka dhowba waana inay kuu qoranyihiin ujeedooyinkaagu ,sidoo kale waa inaad qaybisaa ujeedooyinkaaga kuwa aad rabtid inaad sanadka samaysid ama gaartid iyo kuwa bisha aad rabtid inaad samayso sidoo kale maalintii waxa aad qabanlahayd waa inay kuu cadyihiin hadii kale inaad iska noolaato ayey noqonaydaa sidii xoolihii oo kale wixii kaa horuyimaadana aad iska samayso taasna ma fiicna oo horumar ma keento.

Waxaan maqaalkayga ku tageeraya dhamaan urarada aysamyeen dhalanyarada belweynta digal marafle meelkasto ay joogaanba kowadaa waxa u qabtey dadkoodaa Qasataan urarka midoga aradayda digal marifle (DMSA) (Digil & Mirifle Students Association) kaas oo kaalin muqaata oo hormarle kasamyey isku xirka iyo mideyntaa ardayda dadyowga ay matalaan sidokalee waxaan aad iyo aad uwanagsan in latageero oo garabkoodaa la,istagaa maxayeelay hadii qofka uu xool qabto misanaa uu wayo qof ku amanaa shaqada ween ee u qabtey waxaa mesha kabaxayaa muraalkii uu qofkasi u xayey shaqadaa wanagsan ee u waday waxaa wanagsan in aan kaga dayano waxayaba hormarka lee ee aay sameyeen kadiibna aan ku tagerno waxay mustaqbalka uqaban laxayeen bulshadoda anagaa amiinsan in uu ayaga ku jiiro midkii xogaanka u qabaan lahaa bulshadeena, sikastaaba waxay ujeedadeedu tahay:

Shanta sano ee soo socota waa inaynu helno ilaa 10,000 oo dunida ugu waxbarasho fiican

Tobonka sano ee soo socda waa in guri kasta ay gasho aqoon casri ah

Shan iyo tobonka sano ee soo socda waa inaynu miidaan kasta oo aqooneed qabsanaa

Kontonka sano ee soo socda waa inaynu aqoonta dunida tartan ka geli karnaa.

Fadlan nagu taageer yoolkaa dheer ee aanu hiigsanayno markaa intaas oo dhan waxay u baxaan tahay in laa,istageero oo laa,iska war hayo hadad maqashana rer hibaal ayaa hor mar ficaan garaaay waxay lamid tahay cidaankoo yeshaa bulsha qimalahan oo sifacaan wax u barataay

Wadan waliba waxaa dhiso dadkiisa gaar ahaan dhalinyarada ayaa dawr weyn ka ciyaarta muujinta bilicda dalkooda hadey ahaan laheed dhinaca waxbarasha ama dhinac kasta ee hormarineed dadkoda iyo deegaankodaba SIDEE LOO WACYI GALIN KARAA DHALINYARADA? dhalinyarada D&M ee maanta badankooda waxaa lagu tilmaami karaa in ey suuxsan yihin ama eysanba la socon dawrka looga baahanyahay ee ahaan in aay naftodaa iyo bulshadodaba ay wax ugu qabtaan dhalanyarada waa iftiinka bulshaada waa madaxadii mustaqbalka ee dhalanyaroy aan is tageerno oo dadkeena aan wax u qabaano intaa karankeena oo aan aboodikarno maxayeelay Qoysaska ku nool cariishkaas ma haystaan baahidii aasaasiga ahayd oo dhan: hoy fiican ma haystaan, , cuntana kama haqabbeelaan, biyo nadiifana ma cabaan, daryeel caafimaad ma helaan, isla markaana carruurtoodu waxbarasho ma haystaan. Dadkaasi miyaanay mudnayn in il naxariiseed lagu eego oo lagu tageero waxay mudaan yihiin .

Dawlad taageerta ma haystaan, hawshaasi waxay u taal dadweynaha wax haysta ee ilmahoodu wax u barto. Haddii aadan danayn dadkaas tabaalaysan hadhow ilmahaagii oo wax bartay iyo koodii oo dibjir ah baa noloshu ka dhexayndoontaa; arrintaasina waxay daano iyo waxyeelo ku tahay carruurtii aad ku tabcaysey. Bal ka warama haddii aynu dadkaas tabaalaysan carruurta oo keliya wax u barno. Ha iloobin xikmaddaan kor ku soo xusan oo aheed ku tageer walakada tubta u kuwacan yahay misa u ku haminaayo war iyo dhamaantiisaa waxaan sidiiraan ugu codsanaya bahaweynta digal mirafle in ay wada midoowan una midoowaan hormarka dadkoda iyo dalkodabaa ,maqaalkaan waxaa qoray anigo ahaan abdirisaaq abdimursal waxaadna cigalaa soxariri kartaa (abdimursal@live.com ,ama facebookgayga oo ahan abdirizack abdimursal insha allah waxaa inoo balan ahan maqalkale oo kan kaxiisabadan waxii fafaxiin ahan emailkaas cigu soodiraa waad maxadsan tihiiin dhamantiina


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip