Mogdisho Oo Xaaladeeda Saaka Degan

0
29 July, 2011 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 520
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mogdisho Oo Xaaladeeda Saaka Degan

    Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa saaka wax xoogaa xasilooni aan badneyn laga dareemayaa, gaar ahaan goobihii shalay lagu dagaalamay oo xaaladu ay ka yara duwan tahay sidii shalay, inkastoo rasaas teel teel laga maqlayo goobaha lagu dagaalamayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa saaka wax xoogaa xasilooni aan badneyn laga dareemayaa, gaar ahaan goobihii shalay lagu dagaalamay oo xaaladu ay ka yara duwan tahay sidii shalay, inkastoo rasaas teel teel laga maqlayo goobaha lagu dagaalamayo. Dhinacyada isku hor fadhiya Xaafadaha Wardhiigley iyo Yaaqshiid ayaa ka sokow rasaasta goos gooska ee ka dhaceysa waxaa jira dhaq dhaqaaqyo ciidan oo si xowli ah u socdo, iyadoo la arkayay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowladda oo ku qul qulaya aagaga cusub ee ay ka sameysteen Xaafadahaas.

Xalay ayaa waxaa magaalada laga maqlayay madaafiic goos goos ahaa oo ku dhacayay Xaafado kala duwan oo ka tirsan degmooyinka Dayniile iyo Huriwaa, kuwaasoo qasaarooyin u geystay dad rayid ah.

Barakac ayaa ka socda Xaafadaha Suuqa Xoolaha iyo qeybo ka mid ah degmada Dayniile, waxaana xabadu xilligan u muuqataa mid ku dhowaatay.


G/sare C/laahi Caanood oo ka mid ah Saraakiisha hogaamineysa guutooyinka Ciidamada Dowladda ee shalay jiiray difaacyadii Al-Shabaab ayaa sheegay in saraha qaar ay ka soo ridayaan rasaas aan badneyn, isagoo xusay in weeraro aan badneyn xalay fiidkii iyo saqdii dhexe ay soo qaadaan.

Shabaab oo horay loogaga bartay weerarada rogaal celinta ayaa wixii ka dambeeyay markii laga qabsaday fariisimaha muhiimka waxaa muuqatay inay difaac galeen, bedelkii weeraro si is-daba joog ah saacado gudahood ku soo qaadi jireen, lama oga inay arrintaas tahay mid qorshe ciidan.

Rasaasta goos gooska ayaa laga maqlayaa agagaarka Isgoyska Cali Kamiin oo Ciidamada Dowladda ku sugan yihiin, halka Shabaab ay xabada ka soo ridayaan Laamiga dhinaca kale.

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Taangi ay leeyihiin Ciidamada AMISOM uu ku ololayo inta u dhaxeysa Dugsigii Maxamuud Xarbi iyo Isbitaalka Xayaat,

Lama oga in cilad darteed uu u gubtay iyo in gantaal lala helay, hase ahaatee goob joogayaal ayaa sheegaya inay arkeen qiic ka baxayay Taangiga saaka waabarigii.

Gulufka labada dhinac ay wadaan ayaa ah mid dhinacba dhinaca kale ku doonayo inuu kaga taqaluso, si kama dambeys libinta dhankiisa u ahaato.

Dhamaan Dadka Jaaliyadaha Dibada waxaa laga codsanayaa in dadkaan Beeraleyda ah lagu dhiira geliyo Siiwadashada Tacabka Beerahooda oo ay ku dhabar adeegayaan.

Gudiga Afurinta Saa'imiinta Aan Waxba Awoodina Kala Xiriir
NB: Gudiga Abaaraha Kala Xiriir 0025261- 5505339 ama0025261-5578984

Garaac Mid Kamid Ah Lambaradaan -
5593718, 5578293, 5843467, 5105237, 5590113, 5590121Wixii Maanta Aad Dhiibatid Waxaad Dib U Helidaantaa Markaad Geeriy

Furaha Waa0025261-





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip