Madaxweyne Shariif Oo Sheegey In Uu Dib U Bilowdey Howgalkii Amaan.

0
29 July, 2011 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 820
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Shariif Oo Sheegey In Uu Dib U Bilowdey Howgalkii Amaan.

    Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dhawaajiyay inuu dib u bilowday howl galkii dhinaca ammaanka lagu sugayay, isagoo sheegay in lagama maarmaan ay tahay in dalka laga saaro Al-Shabaab iyo Al-Qaacida sida uu hadalka u dhigay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dhawaajiyay inuu dib u bilowday howl galkii dhinaca ammaanka lagu sugayay, isagoo sheegay in lagama maarmaan ay tahay in dalka laga saaro Al-Shabaab iyo Al-Qaacida sida uu hadalka u dhigay. Hadal uu ka jeediyay munaasabad shalay lagu dhaarinayay Wasiirada xukuumada cusub ayuu ka sheegay inuu dib u bilowday howl galkii Ammaanka, waxaana uu tibaaxay inay sii socon doonaan howl galadaas ilaa laga sameeyo horumar dhanka ammaanka.

"Waxaa qasab noqotay lagama maarmaan ah in ammaanka la hormariyo, howl galadii dib ayay u bilowdeen in Al-Qaacida iyo Al-Shabaab dalkan laga xoreeyo, dadka guryahooda lagu celiyo, xataa waxaa imaaneysa in gar gaarka dadka guryahooda lagu gaarsiiyo"ayuu yiri Madaxweyne Shariif.


Dhinaca kale Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali oo hadal kooban bixiyay oo ku aadan dagaalka ayaa sheegay inay bilowdeen howl galkii Xukuumada, isagoo tilmaamay inay isku soo beegantay dhaarinta Wasiirada cusub iyo howl galka ay qaadeen Ciidanka Dowladda, isagoo tilmaamay in waajib uu ka saaran yahay in dalka laga xoreeyo Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee hadalada kala duwan ee ka soo yeeray Madaxda Dowladda ayaa ah mid biyo qabow ku shubaya quluubta shacabka Soomaaliyed ee u hamuun qaba in dib guryahooda ugu laabtaan, mar hadii inta badan Magaalada ay gacanta ugu jirto Dowladda KMG.

Dhamaan Dadka Jaaliyadaha Dibada waxaa laga codsanayaa in dadkaan Beeraleyda ah lagu dhiira geliyo Siiwadashada Tacabka Beerahooda oo ay ku dhabar adeegayaan.

Gudiga Afurinta Saa'imiinta Aan Waxba Awoodina Kala Xiriir
NB: Gudiga Abaaraha Kala Xiriir 0025261- 5505339 ama0025261-5578984

Garaac Mid Kamid Ah Lambaradaan -
5593718, 5578293, 5843467, 5105237, 5590113, 5590121Wixii Maanta Aad Dhiibatid Waxaad Dib U Helidaantaa Markaad Geeriy

Furaha Waa0025261-





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip