Dagaal Qaraar Oo Saaka Magaalada Mogdisho Ka Socda.

0
30 July, 2011 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 789
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Qaraar Oo Saaka Magaalada Mogdisho Ka Socda.

    Dagaal culus ayaa maalintii sedaxaad ka socda magaalada caasimada ee Muqdishu waxaana uu dagaalka maanta yahay mid saf balaaran ku socda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal culus ayaa maalintii sedaxaad ka socda magaalada caasimada ee Muqdishu waxaana uu dagaalka maanta yahay mid saf balaaran ku socda. Labada dhinaca ee dagaalamayaa ayaa wararka aan helayno ay qeexayaan in ay soo gaaraan gurmadyo Ciidan.

Dowlada KMG ayaa aagaga dagaalka geysay guutooyin ciidan oo ay ku jiraan guutada Shanaad oo ah ciidamadii ay Midowga Yurub ku soo tababareen dalka Yuganda, sidoo kale ayaa xogaga ALshabaab ay habeenkii xalay ahaa ay soo gaareen gurmad ciidan oo kaga yimid gobalada ay ka arrimiyaan waana tan keentay inuu saaka dagaalka ku bilowdo mid culus.

Dagaalka ayaa ah mid dhul balaaran ka socda gaar ahaan degmooyinka Wardhigley & Yaaqshiid ciidamada dowlada ayaa ka dagaalamayaan hareeraha Isgoyska Cali Kamiin iyadoo ay sheegayaan saraakiisha ciidanka dowlada in maanta uu hadafkooda yahay in ay gacanta ku dhigaan garoonkii Kubada cagta ee Stadium Muqdishu oo in muda fadhiisan u aheyn ciidamada ALshabaab.


Sidoo kale ayaa gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha laga maqlayaan rasaas taas oo cadeyneyso in weli lagu hardamayo gacanta ku heynta suuqa Bakaaraha.

Dagaalkan galay maalintiisii sedexaad ayaa noqday midka ugu hadalheyta badan iyadoo maalmahii tagay ay ciidamada DKMG ay gaareen guulo la taaban karo.

Gudiga Afurinta Saa'imiinta Aan Waxba Awoodina Kala XiriirNB: Gudiga Abaaraha Kala Xiriir 0025261- 5505339 ama0025261-5578984

Garaac Mid Kamid Ah Lambaradaan -
5593718, 5578293, 5843467, 5105237, 5590113, 5590121Wixii Maanta Aad Dhiibatid Waxaad Dib U Helidaantaa Markaad Geeriy

Furaha Waa0025261-






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip