Soomaaliyeey Ma Ilowdeen In Maanta Oo Kale La Diley Halyey Ahmed Rashid

0
06 November, 2011 in by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 3683
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 6 1
  • Share via Social Media

    Soomaaliyeey Ma Ilowdeen In Maanta Oo Kale La Diley Halyey Ahmed Rashid

    Maanta Oo Kale mudo laga jooogo 8 sanadooda waxaa magaalada Nairobi xaruntii Mbagathi oo ay ku shirayeen kooxaha Soomaalidu ku geeriyooday mid ka mid ah ergadii ka qeybgelaysay shirka, kaasoo meydkiisa laga helay meel ku dhow halka raashinka lagu kar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta Oo Kale mudo laga jooogo 8 sanadooda waxaa magaalada Nairobi xaruntii Mbagathi oo ay ku shirayeen kooxaha Soomaalidu ku geeriyooday mid ka mid ah ergadii ka qeybgelaysay shirka, kaasoo meydkiisa laga helay meel ku dhow halka raashinka lagu kariyey.

Waxaan filayaa In dad badan ay wada garanayan ninkaasi eragda soomaalida ahaa, waa Halyey Marxuum Axmed-Rashiid Sheekh Maxamed Aadan QULQULE, oo xubin ka ahaa Gudigii Dastuurka

Axmed Rashiid Oo Lagu diley Kushiinka wax lagu kariyo ee hotolkii uu ka degenaa Mbagathi Kenya, kaasoo mudo dhowr saacadood ah meydkiisa yaaley Banaankii lagu diley Marxuumka.

Hadaba Marxuumka Illlaah Janadii fardowsa Aheyd Ka Waraabiyee , waxaana dhaawacyer aan weyney kaga yaaley Cunaha Dushiisa Oo gerkana Ka Hooseysa.


dhamaan dadkii ergada ahaa ee halkaasi ku sugnaa, Maamulkii Hotelka dhamaantood ma jirin cid faah faahin ka bixisey ama ka hadleysey Dilka naxariis darada ahaa ee loo geystey Marxuum Axmed.

Maxamed Aadan Ibraahim oo loo yaqaanno Fargeeto oo ay isku qol seexanayeen marxuumka ayaa maalintaasi waxa uu sheegey in ay soo wada saxuurteen isla markaana  ogaa markii markuumlka lasoo wacayey oo baxayey ka hor intaan la helin Marxuumka oo meyd ah 

Maxamed Aadan Fargeeto waxa kaloo uu sheegay in aanu ogayn cadaw gaar ah oo uu ogyahay ama cid gaar ah oo uu khilaaf kala dhexeeyey marxuumka, hase yeeshee uu ka tirsanaa guddigii u xilsaarnaa dejinta dastuurka uu khilaafka weyn ka dhashay, waxana uu Fargeeto sheegay in uu dilkan argagax ku abuuray uuna hadda si weyn uga fiirsanayo ammaankiisa balse uu diidey inuu wax faah faahin intaasi dheer bixiyo asagoo si dhaqsi ah ugu duuley Australia oo Kunoolyahay Farkeeti weli.

Dad badan oo Xarunta Shirka Kusugnaa waagaasi oo aan la xiriirney ayaa waxay Warbaahinta Arlaadii Uxaqiijiyeen In Farkeeti Arinta Dilka uu waxbadan ka ogyahay waayo wuxuu diidey inuu sheego Qofka Soo wactamey Oo Marxuumka udegey, Maxay Tahay Sababta uu weli la baqayo oo uu uqarinayo hadii usaan asaga wax lug ah ku laheyn.

 
Booliska dalka Kenya oo iyaguna goobta yimid ayaa markiiba billaabay baaritaan la xiriira dhimashada marxuumkan. Sidoo kale, James Kibooyi oo ah xiriiriyaha xagga diblomaasiyadda iyo siyaasadda oo la shaqeeya Danjire Bethuel Kiplagat oo isagana meesha joogay oo aan wax ka weydiiyey dhacdada ayaa ku gaabsaday in arrinta ay hadda booliska gacanta ku hayaan kana war sugayaan wixii ka soo baxa.

Marxuumka Axmed-Rashiid Sheekh Maxamed waxa uu ka mid ahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee reer 'Canada' waxana ay da'diisu ahayd 38 jir. Waxaana isla markiiba meesha meydkiisu yaallay yimid saraakiil ka socotay safaaradda Canada ee Nairobi si ay wax uga ogaadaan xaaladda marxuumka. Waxaa kaloo meesha si weyn ugu soo xoomay dhammaan saxaafadda shisheeye iyo kuwa gudaha ee ku sugan Nairobi.

Bannaanbax ergooyinku uga cabanayaan dhimashadiisa ayaa saakay hareeyey xaruntii uu ka socdey shirka.

Guddoomiyaha Guddida Farsamada IGAD, Bethuel Kiplagat, waxa uu ergooyinka weydiistay inay dulqaad lahaadaan inta laga soo baarayo ama laga soo xaqiijinayo asbaabihii geeridiisa dhaliyey.

Akhrise Ka Mid Ah Akhristiyaasha Baidoanews ayaa wuxuu Leeyahay

yaa ka dambeeyey dilkiisa ? Maxaa loo diley ? Maxaase ka soo baxdey baarista Kiiskaas ?

FG.Qofkii wax ka haayo taariikhda Axmed Raashiid, qaabkii lagu diley, dadka lagu tuhunsanyahay ee nooc kastoo ahaadaan iyo Sawiradiisa fadlan noogu soo dira emailkaan hoos ku qoran.


Abowasharow
fahadbaay@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip