Mashaariic dhismo iyo Qodis Ceelal oo dowlada Turkiga ay Balan qaadey.

0
01 January, 1970 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 681
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mashaariic dhismo iyo Qodis Ceelal oo dowlada Turkiga ay Balan qaadey.

    Ra'iisal Wasaare K/Xigeenka Dowladda Turkiga Bekir Bozdaj oo iminka boosho ku jooga magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in dowladiisu mashaariic hor leh ka fulineyso wadanka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisal Wasaare K/Xigeenka Dowladda Turkiga Bekir Bozdaj oo iminka boosho ku jooga magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in dowladiisu mashaariic hor leh ka fulineyso wadanka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Ra'iisal Wasaare K/Xigeenka Dowladda Turkiga Bekir Bozdaj oo iminka boosho ku jooga magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in dowladiisu mashaariic hor leh ka fulineyso wadanka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Wuxuu Ra'iisal Wasaaruhu sheegay in mashaariicdaasi ay ka mid yihiin dhismaha xarumo caafimaadka lagu barto goobo waxbarasho, Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo lagu kordhinayo dhismayaal casri ah iyo howlo samafal kale oo Dowladda Turkiga ugu talo gashay inay ka hirgeliso dalka Soomaaliya.



Waxa uu sheegay Mr. Bekir Bozdaj in maanta uu xariga ka jarayo xarumo waxbarasho oo Dowladda Turkiga ka hirgelineyso magaalada Muqdisho, waxaa kale oo Ra'iisal Wasaaraha uu sheegay inay dayactir ku sameynayaan wadada dheer ee isku xirta madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho, sidoo kale waxa uu sheegay Ra'iisal Wasaare K/Xigeenka Turkiga in dowladiisu ka hirgelineyso mashaariic kala duwan gudaha wadanka Soomaaliya, kuwaasi oo isugu jira mustaqbalka dhow iyo midka dheer.

Dhinaca kale K/Xigeenka Ra'iisal Wasaaraha Turkiga oo ay la socdaan madax iyo wufuud isugu jirta kuwo ka socda Dowladda iyo khubaro dhinaca dhismaha iyo Injineero ku xeel dheer fulinta mashaariicda kala duwan ee Dowladda Turkiga ugu talo gashay inay Soomaaliya ka hirgeliso ayaa waxay sheegayaan madaxda Turkiga in dhammaantood si degdeg ah loogu howlgeli doono ka mira dhalinta ballanqaadyadooda la xiriira dib u dhiska dalka Soomaaliya oo ay sheegeen inay ku taageerayaan Dowladda KMG iyo guud ahaan ilaha dhaqaale ee wadanka inay kobcinayaan mustaqbalka dhow

Mohamed Ali Madka

Xafiis Wareedka BaidoaNews.com ee Muqdisho

Tel: 00252-61-5573762

00252-699-964128

00252-62-371252

Email: madkacali@hotmail.com

www.Facebook.com/mmadka1


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip