Ahlu Suna Oo Digniino U Jeedisey Burcad Badeed Gobolka Galgaduud Ka Dhuumaaleysaneya

0
01 January, 1970 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 644
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ahlu Suna Oo Digniino U Jeedisey Burcad Badeed Gobolka Galgaduud Ka Dhuumaaleysaneya

    Guddoomiyaha guddiga fulinta Ahlu Sunna ee gobollada dhexe Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow oo saxaafada kula hadlaaya magaalada dhuusamarreeb ee xarunta gobalka Galgaduud ayaa sheegay kooxaha burcad-badeeda ee saldhigyada ku leh in ay si degdeg ah uga g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha guddiga fulinta Ahlu Sunna ee gobollada dhexe Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow oo saxaafada kula hadlaaya magaalada dhuusamarreeb ee xarunta gobalka Galgaduud ayaa sheegay kooxaha burcad-badeeda ee saldhigyada ku leh in ay si degdeg ah uga guuraan deeganada Ahlu Sunna ka arrimiso ee gobalka Galgaduud

Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan rag siyaasiyiin iyo in ay deegan yihiin isku sheegaya ay deegaannada Ahlu Suuna ee Gobalka Galgaduud iska soo galaan, isla markaana shirar iyo kulllamo aan la ogeyn wax laga damacsan yahay ay ku qabsadaan.

Guddoomiyaha guddiga fulinta Ahlu Sunna Xeefoow waxa uu sheegay in arrintan ay qalqal galin karto amaanka gobalka, waxa uu ugu baaqay cid kasta ama ka tirsan dowlada Fadaraalka KMG ah ama siyaasiyiin oo raba gobalka in ay xiriir la soo sameeyaan maamulka Ahlu Suuna.

Sidoo kale waxa uu digniin u jeediya dadka la shaqeeya ama ka tirsan burcad-badeeda ee ku sugan gobalka in tallaabo laga qaadi doono.

Cid kasta oo lagu arko in ay ka tirsan yihiin burcad-badeeda cadaalada ayaa la horgeenayaa waana la xukumayaa, waa in aanu jirrin cid katirsan burcad-badeeda oo halkan ku sugan," ayuu sheegay Sheekh Maxamed Xeefow.

Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo degmada Cabudwaaq ee gobalka Galgaduud shaley ku dagaallameen labo maleeshiyo oo mid ka mid ah uu watto xildhibaan ka tirsan dowlada fadaraalka KMG ah oo hadda ku sugan degmadaas iyo Ahlu Sunna.

Dagaalka oo illaa xaley soo gaaray ayaa la sheegay in labada dhinac uu soo kala gaaray qasaaro walow aan si dhab ah loo heyn, waxa illaa shaley jaran isgaarsiinta degmada Caabudwaaq, in kastoo saaka wararka ka immanaya ay sheegayaan in xaalada ay dagan tahay.

Ahlu Sunna oo ah koox ka jirtta gobalada dhexe ee Soomaaliya ayaa ah koox taageersan dowlada KMG ah waxana ay ku dhawaaqeen in ay ka soo horjeedaan shir dhawaan qaar ka mid ah maamulada ka jirra dalka ay ku qabteen magaalada cadaado oo ay hadda ka arrimiyaan maamulka Ximin iyo Xeeb.

Shirkaas waxa ay ku tilmaameen mid lagu shir qoolayo maamulka Ahlu Sunna gobalada dhexe iyo shacabka ku nool.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip