Tuulada Goof Gaduud Shibeelow oo Laga Furey Hotel Loogu Magacdarey CAALAMI

0
01 January, 1970 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 978
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Tuulada Goof Gaduud Shibeelow oo Laga Furey Hotel Loogu Magacdarey CAALAMI

    Safarkii Iyo Socdaalki Abowasharow oo qaatey mudo kusiman Laba Bilood ayaa Abowasharow waxa uu safar aan laga sheekeyn karin ku tagey Deegaano badan oo Arlaadii kamid ahaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safarkii Iyo Socdaalki Abowasharow oo qaatey mudo kusiman Laba Bilood ayaa Abowasharow waxa uu safar aan laga sheekeyn karin ku tagey Deegaano badan oo Arlaadii kamid ahaa.

Tuulada Goof-Gaduud Shibeelow waxay Dhowr iyo Tobon KM U Jirtaa Magaalada Baydhabo waxaana Tuuladaasi lagu Aqoonsadaa marka aad dhowr KmM U Jirtid Taalo Aad u Dheer Oo Shirkada Hormuud halkaasi ka dhisatey,waxaana Tuulada ku talaabsatey Horumar aad iyo aad loo taaban karo waxaa lagu dhisey Hotel Aad iyo Aad Cajiib u ah oo ku yaalo farasmagaalaha kaasoo loogu magac darey HOTEL CAALAMI.

Hotelka Cidina kuguma soo dhoweyneysa marka aad u baahatid Jiif waxaad kala xiriireysaa Boorka Albaabka Sare Taleefoonka ku yaalo waxaana si dhaqsi ah Orod kugu imaanaya Gabar ama Wiil sida Furaha Hotelka iyo Qiimaha Jiifka oo aan sidaa u badneyn, Waana arin loo baahan yahay in Qof kasta deegaankiisa uu maalgashto.


Tuulada waxay Leedahay Iskool Dugsi Hoose Dhexe oo lagu barto inta lagu barto iskoolaadka Noocaasi ah waxaana wax ka dhigta 95% inta caruur magaaladaasi iyo tuulooyinka kudhow dhowba kunool, waxana loogu magacdarey Iskoolkaasi Haaji Hassanow Manuur oo ahaa Dubutaate Allaa Yaraxma Deegaankaasi kasoo jeedey inbadana wax usoo tarey dadka deegaankaasi.

Habeenkii Tuulada waxay Leedahay Nal ama Iftiin, Waxaa ku yaalo Makiinado ay cajiinka ku shiitaan dadka deegaanka, waxaa intaa usii dheer Maalinta Jimcaha wixii ay Baydhabo udoonan lahaayeen dhar, Khudaar, maacuun iyo adeeg intiisa kale Ganacsatadii laga soo musaafuriyey Puntland ayaa meeshaasi alaabo ugu geysa Maalinkasta Oo Jimco ah .





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip