XILDHIBAAN KEEROW ANUWU " Taxanihii Keerow Ahaa"

0
01 January, 1970 in Maqaallo by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 1245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XILDHIBAAN KEEROW ANUWU " Taxanihii Keerow Ahaa"

    Magaceeygu waa KEEROW waxaan ahay xildhibaan ka tirsan xildhibaanada DKM ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaceeygu waa KEEROW waxaan ahay xildhibaan ka tirsan xildhibaanada DKM ah

waxaan kursigaas ugu fadhiyaa magac beeleed balse anigu waxaan ahay shaqsi u adeega calooshiisa iyo qoyskiisa waxaan ku shaqeeyaa wax yar oo doolar ah, cid waliba oo i siisa waxoogaa DOOLAR ah ayaan u adeegaa, hadaba qowmiyada ha ogaadeen iyaga ima geeynin booskaas waxaan ku imid jeebkeeyga iyo anigoo ahaa dagaal ooge hore,

waxaan laayay oo kursigaan dartiisa aan kusoo fariistay dhalinyaro badan oo qoowmiyada ah geeridooda. hadaba ogaada hadaan magac ahaan idiin matalo waa mid qalad ah, anigu idiinma matelo, waxaan ahay qof ku adeega wax yar oo lacag ah,


waxaan ahay shaqsi damiir laawe ah waxaan ahay shaqsi aan u damqaneeynin haweenkooda oo lagu faraxumeeynaayo magaalada muqdisho, waxaan ahay shaqsi aan awoodin xitaa inuu canbaareeyo xasuuqa foosha xun ee lagula kaco dadkeeyga meel walba eey joogaan,

Waxaan ahay nin diyaar u ah kenya, Puntland, Ethiopia iyo meel kastoo lagu shirayo oo aan leeyahay wax xoogahoo lacag ah ama xil ah amaad kasoo heshaa laakiin uma soo socdi shirka London ee looga hadlayo Arimaha Qowmiyada.

waayo waxaa la yiri ninkii badbaadada Qowmiyada diyaar u ah ha yimaado jeebkiisana ha iska soo maamulo, waxaana qabaa Tuhun ah amaa mustaqbalka kuwaan shiraya ay meesha keenan Xildhibaano naga fiican oo u adeegaya danaha Qowmiyada taasoo aan dani iigu jirin aniga iyo igu fikir ka ah.

hadaba hadaan ahay xildhibaan KEEROW ma mateli karaa qowmiyada DIGIL iyo MIRIFLE? jawaabta waxaan ka sugayaa inta akhrisata qoraalkeeyga iyo dhamaan waxgaradka Qowmiyada DIGIL iyo MIRIFLE, idinkoon ii arkin si qaldan waxaan idiin soo gudbiyay waxa dhabta ah ee aan anigu ahay.


BAIDOANEWS AGENCY "BANA"






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip